Clément Lenglet Oo Go’aansaday In Uu Isaga Tago Barcelona, Sabab

Daafaca dhexe ee kooxda Barcelona ee Clément Lenglet ayaa ka fikiraya in uu isaga tago kooxda Barcelona marka uu furmo suuqa January ee soo socda.

Clément Lenglet ayaa go’aansaday in uu isaga tago kooxda Barcelona kadib markii uu ka baxay qorshaha tababare Ronald Koeman ee xilli ciyaareedkan.

Daafaca reer France ayaa ka dambeeya xiddigaha Ronald Araújo Iyo Óscar Mingueza kuwaas oo ku bilowday shaxda Barcelona kulamadii ugu dambeeyay.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu daafaca Clément Lenglet doonayo in uu isaga tago kooxda Barcelona suuqa January sabab la xidhiidha in uu ka baxay qorshaha tababare Ronald Koeman.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*