Ciyaaryahan Liverpool Ah Oo Ka Huleelaya Kooxdaas , Maxaa U Sabab Ah

Divock Origi ayaa lagu waramayaa in  uu ka huleelayo Liverpool marka suuqa Janauray uu furmo

Laacibkaas ayaa la filayaa in uu ku baxo qaab amaah ah, waxa uuna baadi goobayaa koox uu boos joogto ah uu  ka helayo si uusan isaga  dhex waayin qarankiisa Belgium-ka.

Origi 25 ayaa ka sheegtay kursiga keydka Liverpol , kaliyana sedex kulan ayuu ka soo muuqday kooxda xilli ciyaareedkaan oo laba ka mid ah ay ahaayeen tartanka EFL Cup .

Ilaa iyo haatan ma uusan ciyaarin wax kulan oo horyaalka Ingiriiska ah waana midda keeneysa in laacibka uu u wel welo mustabqlakiisa .

Sidaas oo ay tahay hishiiska Origi ee Liverpool waxa uu dhacayaa xagaaga 2024-ka , sidaa darteed waxa aloo badinayaa in uu baxayo si uu helo koox boos joogto ah uu ka heli karo .

Wargeyska Liverpool Echo ayaa qoraya in ay u badan tahay in laacibka uu amaah ugu wareego horyaalka wadankiisa , waxa uuna kooxdaas Liverpool uu u saftay 143 kulan halka uu dhaliyay 35 gool dhamaadka tartamada.

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*