Ciyaartoyada Dhaliyay Saddexley Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Weeraryahanka Atletico Madrid, Alexander Sørloth, ayaa noqday ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee dhaliya saddexley (hat-trick) Champions League xilli ciyaareedkan.

Sørloth ayaa saddex gool ka dhaliyay Club Brugge lugta labaad ee play-off-ka wareegga 16-ka, kulan ku dhammaaday 4-1 oo ay ku badisay kooxda reer Spain.

Kooxda uu tababaro Diego Simeone ayaa u soo gudubtay wareegga xiga kaddib markii lugtii hore ay ku dhammaatay 3-3, iyadoo wadarta guud noqotay 7-4.

Ciyaartoyda dhaliyay hat-trick Champions League xilli ciyaareedkan

  • Kylian Mbappe – (Kairat Almaty 0-5 Real Madrid)

  • Fermin Lopez – (FC Barcelona 6-1 Olympiacos)

  • Victor Osimhen – (Ajax 0-3 Galatasaray)

  • Kylian Mbappe – (Olympiacos 3-4 Real Madrid)

  • Vitinha – (Paris Saint-Germain 5-3 Tottenham Hotspur)

  • Anthony Gordon – (Qarabag FK 1-6 Newcastle United)

  • Alexander Sorloth – (Atleti 4-1 Club Brugge)

Sørloth ayaa hadda ku biiray liiska xiddigaha sameeyay saddexleyda Champions League xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga