CIYAAR WAALI AHEYD Xulka Spain oo usoo baxay wareega Sideeda kadib markii uu garaacay Croatia

Waxey aheyd mid kamid ah habeenadii quruxda badnaa ee koobka Uero ee 2020 ee laqabanayo sanadkan 2021 kadib markii cudurka dilaaga ee safmareenka carona uu dib udhigay mudo sanad ah, waxaana marti gelinaya magaalooyin dhowr ah oo yurub ah.

Kulan xiiso badnaa oo dhex maray wadamada Spain & Croatia, waxa uu ahaa mid aan laba kawada qoslineynin maxaa yeelay heerkan waa 16ka guushana laba uma qeybsameynin, ficil ahaan waxey aheyd ciyaar xiiso badan, Macalin Luis Enrikie & Spain ayaa doonayey iney ka gudbaan heerkan kadib markii si naflacaarinimo ah uga soo baxeen heerka Groupyada halka wiilasha Croatia & captankooda aysan lafsadooda waqti qurux badan kusoo qaadan Grouyada.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay qaab qurux badan , Spain ayaa daqiiqadihii ugu horeeyey kubada heysatay waxana isku dayayeen in goolka ugu horeeya ee ciyaarta keenaan lkn waxa ay la kulmeen Crotianka oo aad unidaamsanaa difaac ahaan.

Waxey socotaba 15 daqiiqo fursad halis ah oo goolhayaha & koke ayey  isku gacan banaanaadeen ayuu lumiyey wiilka hindida madrid, lkn wax waliba waxa ay is badaleen wax yar kadib markii Spain ay iska dhaliyeen kubad uu Pedri Bartamaha uu uga soo baasay goolhaya ay ka fakatay kadib markuu uu isku saray sidaasi unisimon uga dhalatay gool & waxba ayey noqotay ciyaarta.

Crtotia waxa ay noqdeen kuwo kalsooni helay waxa ay sameeyey 2 fursadood hadana spain ayaa durba soo rogaal celiyey weeraro isdaba joog ah oo ay heleen waxa ay ku keeneen goolka bar baraha waxaana u dhaliyey xidiga PSG sarabia 1-1 ayaana lagu kala tagay qeybtii.

 

Markii leysu soo noqday ciyaarta waxa ay noqotay mid aad u xiiso badan, daqiiqadii 56 aad Spain waxa ay keensadeen goolka 2aad waxaa Cros lasoo qaaday gool ubadalay xidiga kooxda Chelsea Cecar Ezipiliqueta sidaas ayeyna 2-1 hogaanka ugu qabteen.

 

Xulka Spain waxa ay dhaliyeen goolka 3aad si uu udhaliyo xidiga kooxda manchester City Ferran Toress,  lkn sidaasi kuma ekaanin sheekada daqiiqadii 85aad kubad uu la orday Modric ayey Croatianka waxaana udhaliyey Orsic.

lkn Mucjisadu waxa ay aheyd markii Croatia ay soo bar bareeyeen daqiiqadii 92aad sidaasina 3-3 ayey ka dhigeen ciyaari waali aheyd sida kalmadu macno uleedahay , waxaa lagu daray waqti dheeri iyadoo ciyaarta ay aheyd mid aad uxiiso badneyd daqiiqadii 99aad Morata ayaa Spain udhaliyey goolkii 4aad kadib markii Cross dhinaca midigta kayimid uu midigta ku controolay kadibna bidixda ku shuuday sidaasi ayeyna ku noqotay 4-3, sadex daqiiqo kadib Ayorzabal ayaa spain udhaliyey gool qurux badan Sidaas ayeyna Spain -5-3 ugu gudubtay wareega xiga ee 8da halka Croatia ay tartanka macsalaameysay .

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*