Ciyaar Gacmeedka FIFA 21 Oo Soo Saaray Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Liverpool & Man United Ka Hor Kulankooda Caawa.

Kooxda Hogaaminaysa horyaalka iyo kooxda kaalinta 2-aad ku jirta ayaa isaga hor iman doona premier League marka ay kooxda difaacanaysa horyaalka ee Liverpool marti galin doonto hogaamiyayaasha horyaalka ee Man United kulan ka dhici doona Anfield.

Labada kooxood ayaa isha ku haya kulanka iyaga oo mid walba doonayaan in ay guul gaadhaan si ay 3-da dhibcood ee u helaan kulanka caawa.

Kooxaha Liverpool iyo Man United ayaa ku hubaysan xiddigo heer caalami ah kuna jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan.

Ciyaar gacmeedka FIFA 21 Ayaa soo saartay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ka hor kulankooda adag ee caawa ka dhici doona Anfield.

Xiddigaha ayaa lagu soo xushay inta uu yahay awoodooda ciyaar gacmeedka FIFA 21 Iyada oo kooxda Liverpool xiddigaha ugu badan ku leedahay shaxda.

Liverpool ayaa shaxda ku leh 8 xiddig halka ay Man United kaliya 3 xiddig ku leedahay shaxda isku dhafka ah ee ay soo saartay ciyaar gacmeedku.

Liverpool and Manchester United combined FIFA 21 XI ahead of Premier League clash - Mirror Online

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uuna Gacaliyahaag Waligaa Kaa Tagin, 3-dan Arin Ayaad Ku Dagi Kartaa Qalbigiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*