City Oo Lagu Waramay In Hishiis Shaqsiyadeed La Gaareen Grealish , Maxaa U Harsan Haatan?

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in City ay hishiis la gaareen Jack Grealish=ka Aston Villa

Laacibkaas ayaa aad loola xariirinayaa in uu xagaagaan ka tagayo kooxdiisa waliba u aadayo midkood United ama City

Haatan, waxaa soo baxaya warar sheegaya in City  u dhaw dahahay in ay ku dhawaaqaan saxiixa wiilkaan reer Ingiriis

Football Insider waxa ay  leedahay maamulka City hishiis gaar ahaaneed ayay la gaareen laacibka oo dhan waliba waa ay ka hishiiyeen

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Jack Grealish hishiis 5 sano gaaraya uu u saxiixayo kooxdaas waliba uu ku qaadanayo mushaar ka sareeya midkiisa haatan ee Aston Villa

Waxaa lagu waramayaa in City ay soo xero gilinta laacibkaan ay iga baxeyso aduun  gaaraya 90 milyan oo euro.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Is Jeclaysiisid Soddohdaa Kulanka Ugu Horeeya, 6-dan Wado Ayaa Kaa Caawinaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*