Cirtsino Ronaldo Mise Lionle Messi? Mesut Ozil Oo Doortay Midkooda Ugu Fiican Labada Xiddig.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaa magacaabay xiddiga ugu fiican adduunka xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Labada xiddig ayaa lagu mur-mayay muddo 20 sano ku dhaw iyada oo xiddigo, Halyeeyo iyo taageerayaal badan fikiradooda ka dhiibtay midkoda fiican.

Xiddiga Mesut Ozil ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee ku biiray muranka midkooda fiican labada xiddig ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Mesut ayaa la waydiiyay midkooda fiican Ronaldo iyo Messi waxana uu ku jawaabay”Messi waxa uu naftiisa ku muujiyay in uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican ee soo maray Spain”.

“Laakiin Ronaldo ayaa ah xiddiga ugu fiican garoon walba oo uu galo iyo horyaal walba oo uu ka ciyaaro”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Hadii Uu Ninku Kuu Sameeyo 6-dan Arin Ha Sii Dayn, Waa Kii Nolosha Kula Wadaagi Lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*