Cida Man City Ka Caawin Karta Saxiixa Erling Haaland Oo La Ogaaday.

Kooxda Man City ayaa rajaynaysa in ay Shirkada Puma ka caawiso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

Shirkada Puma ayaa ah mida masuulka uga ah soo saarista maaliyadaha kooxda Man City waxana ay kooxdu doonaysaa in ay ka caawiso saxiixa xiddiga 150 milyan lagu qiimeeyo.

Dhanka kale shirada Puma ayaa doonaysa in ay heshiis la gasho Haaland waxana ay doonayaan in ay heshiis 4 sano ah la galaan xiddiga si uu u noqdo xiddig xayaysiisyada u sameeya shirada.

Hadii uu Haaland u saxiixo Shirada Puma waxa ay Man City ka caawinaysaa in ay hesho saxiixa xiddiga suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*