“Cid Walba Waanu Garaaci Karnaa”:-Harry Maguire Oo U Digay Kooxaha Ku Hadhay FA Cup-ka

Kabtanka kooxda Man United ee Harry Maguire ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay kooxdiisu ku guulaysato koobkii ugu horeeyay xilli ciyaareedkan.

Maguire ayaa ka mid ahaa kooxihii lagu garaacay Semi-final-kii FA Cup, Carabao Cup iyo Europa league.

Laakiin Kadib markii ay kooxda Man United dhaaftay West Ham Salaasadii iskana xaadirisay Quarter-Final-ka tartanka FA Cup-ka Maguire ayaa sheegay in la gaadhay wakhtigii ay koob ku guulaysan lahayd Man United.

“Waa in aan bilowno ku guulaysiga koobab”ayuu Maguire yidhi.

“Xilli ciyaareedkii hore waanu ku dhawaanay koob waxana aan gaadhnay Semi-final laakiin kumaanu guulaysan koob”.

Harry Maguire oo u digaya kooxaha tartanka FA Cup-ka ku hadhay ilaa haatan ayaa yidhi”Waan Ognahay in kulamada garoonkeenu muhiim yihiin laakiin waxa aan garaaci karnaa koox kasta oo aan ku aadno”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*