Christian Pulisic Oo Qiimeeyay Fursadaha Chelsea Ee Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareedka Cusub.

Christian Pulisic ayaa ka hadlay fursada Chelsea ee ku guuleysiga Premier League xilli ciyaareedka soo socda isaga oo sheegay in ay wax walba macquul yihiin kadib markii ay ku guulaysteen champions League.

Kooxda chelsea ayaa ku guulaystay champions League xilli ciyaareedkii hore iyaga oo ku garaacay kooxda Man City isla markaasna ku guulaystay markii 2-aad ee taariikhdooda.

chelsea ayaa haatan la filayaa in ay u tartamaan premier League xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay kaalinta 4-aad ku dhamaysteen xilli ciyaareedkii hore.

Pulisic ayaana sheegay in ku guulaysiga champions League in ay Kooxdiisa siin doonto kalsooni ay ugu guulaysan karaan horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.

“ku guulaysigiii champions league waxa ay nasiinaysaa kalsooni weyn”.

In aad ku guulaysato champions league waxa uu ahaa mid fiican, waxa aan haatan dareensanahay in aan la tartami karno kooxaha waaweyn”.

“Man City ayaa ah koox aan dhawr jeer garaacnay xilli ciyaareedkii hore sidaas darteed wax walba waa suurtagal”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Uu Jacaylkaagu Waligiis Jiro Oo Aad Is Jeclaataan Inta Aad Adduunka Joogtaan, 8-dan Sir Ayaa Ku Caawin karta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*