Christian Pulisic Oo Ku Soo Laabtay Chelsea Kadib Markii Uu Aaday Waajibaadka Xulka Qarankiisa, Sabab.

Xulka Qaranka Maraykanka ayaa xaqiijiyay in xiddiga Christian Pulisic uu ku laabtay kooxda chelsea si uu u sii wado ka soo kabsashada dhaawaciisa.

Xiddiga Christian Pulisic ayaa ku dhaawacmay intii uu ku jiray tababarkii is kulaylinta ee ka horeeyay kulankii Burnley ee bishii Hore.

Xiddiga ayaan u ciyaarin kooxda chelsea tan ilaa wakhtigaas laakiin waxa uu doortay in uu aado waajibaadka xulka qarankiisa si uu u barto xiddigo cusub oo lagu soo daray xulka.

Wargayska starsandstripesfc ayaa sheegaya in uu Pulisic dhamaystay wixii uu u tagay xulka qarankiisa waxana uu haatan ku soo laaban doonaa kooxda chelsea.

Pulisic ayaa rajaynaya in uu taam u noqdo kulamada kooxdiisa chelsea kadib fasaxa xulalka kulanka ay la ciyaari doonaan Newcastle United 21 bishan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*