Christian Pulisic Oo Kashifay In Uu Cadaadis Ku Saaran Yahay Chelsea Ku Guulaysiga Labadan Koob Xilli Ciyaareedkan & Sababta Oo Uu Sharaxay.

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Christian Pulisic ayaa sheegay in uu Chelsea cadaadis ku saaranyahay ku guulaysiga Premier League & Champions League kadib markii ay kooxdu lacagta badan galisay kooxda.

Chelsea ayaa suuqa galisay lacag dhan 230 milyan oo euro inii lagu jiray suuqii xagaaga iyaga oo kula soo wareegay xiddigaha ay ka midka yihiin Timo Werner, Hakim Ziyech, Ben Chilwell, Kai Havertz & Edouard Mendy.

Sidoo kale xiddigaha Thiago Silva & Malang Sarr ayaa qaab xor ah ugu soo biiray kooxda chelsea ka hor inta ayna amaah ku dirin xiddiga Malanga sarr.

Christian Pulisic ayaana garanaya in lacagta badan ee ay chelsea suuqa galisay in ay la macno tahay in ay Blues ku qasbantahay in ay koobab ku guulaysato xilli ciyaareedkan.

“Chelsea waa koox taariikh weyn leh waliba mar walba doonaysa in ay ku guulaysato koobab”.

“U jeedkeenu waaa in aan xilli ciyaareedkan ku guulaysano koob kasta oo aan awoodno uguna horeeyaan champions League iyo Premier League”.

“Waxa aan helay xiddigo fiican, waxa aan u tartami doonaa koobab, waanan u gaajaysanahay”.

Sii Akhriso: Beesha Caalam-ka Oo Loogu Baaqay In La Gaadhay Wakhtigii La Aqoonsan Lahaa Somaliland.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*