Christian Pulisi Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Lionel Messi 10 Sano Ka Hor Ka Dhigay Champions League.

Xiddiga kooxda chelsea ee Chris Pulisic ayaa bar-bareeyay rikoodh uu Lionel Messi ka dhigay champions League oo aan loo dhawaan muddo 10 sano ah kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay kulankii Fc Porto.

Inkasta oo ay chelsea guuldaro 1/0 ah kala kulantay Fc porto hadana kooxda ayaa iska xaadirisay wareega Semi-final-ka champions League iyada oo uu Pulisic ayaana soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa dhibaato ku ahaa daafac kooxda Fc Porto waxana lagu galay 11 khalad intii uu socday kulanku.

Khaladaadkaas ayaa ah midkii ugu badnaa ee lagu galay xiddig kulan kaliya champions league tan ilaa Sanadkii 2011 markaas oo uu Lionel Messi dhigay rikoodhkaas kulan ay kooxdiisu la ciyaaraysay kooxda Real Madrid.

Bar-Baraynta Pulisic ee rikoodhka Lionel Messi ayaa muujinaysa awooda uu xiddigu u leeyahaya gambiska waxana uu sidoo kale kulanka ku ciyaaray kalsooni buuxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Ka Faa’iidaystaan, Miyaad Ka Mid Tahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*