Chris Sutton Oo Saadaaliyay Kulanka Man United & Newcastle.

Chris Sutton ayaa shaaciyay saadaashiisa kulanka Boxing Day ee u dhexeeya Manchester United iyo Newcastle United.

Eddie Howe ayaa hogaaminaya kooxda Newcastle oo u safraysa Old Trafford habeenka Jimcaha, kulankaas oo noqonaya kan kaliya ee Boxing Day ee Premier League sanadkan.

Inkasta oo Newcastle ay ku jirto qeybta hoose ee jadwalka horyaalka, kuna jirta kaalinta 11aad — afar boosna ka dambeysa Manchester United oo ku jirta kaalinta 7aad — haddana saddex dhibcood oo keliya ayaa u dhexeeya labada kooxood.

Labada kooxoodba waxay heleen hal dhibic oo kaliya labadii kulan ee u dambeeyay, iyadoo kooxda uu hogaamiyo Ruben Amorim ay guuldarro kala kulantay Aston Villa kulankii ugu dambeeyay, ka dib barbaro waalli ah oo 4-4 ah oo ay la galeen Bournemouth.

Sutton wuxuu filayaa in Newcastle ay dib ugu soo laabato guulaha marka ay ku ciyaarayaan Old Trafford, taas oo qayb ahaan ay sabab u tahay in Manchester United ay “waayeen dhowr ciyaaryahan” oo u maqan Koobka Qaramada Afrika, sidoo kalena sabab u ah in Newcastle ay “leeyihiin koox ka fiican”.

“Manchester United wax yar ayaa lagu ammaanay qaab-ciyaareedkoodii kulankii ay la ciyaareen Aston Villa, inkasta oo laga adkaaday,” ayuu Sutton u sheegay BBC Sport.

“Furaha sida uu kulankani u socon doono waa waxa ay sameeyaan iyagoo aan haysan Bruno Fernandes, iyo sida ay ula qabsan doonaan maqnaanshihiisa.

“Marka aad eegto kooxda Ruben Amorim, uma muuqato in ay ku jiraan hoggaamiyeyaal badan.

“Waxay noqon doontaa mid xiiso leh in la arko haddii Amorim uu ku ciyaarsiiyo daafaca dhexe Lisandro Martinez booska khadka dhexe ee difaaca (holding midfield), isla shaqadii uu qabtay markii uu beddel ku soo galay Fernandes kulankii Villa, sababtoo ah wuxuu bixin karaa hoggaaminta ay u baahan doonaan.”

“Newcastle United aad bay uga xumaan doonaan in ay lumiyaan hoggaan labo gool ah kulankii ay la ciyaareen Chelsea toddobaadkii hore, halka rikoodhkooda kulamada martida (away) uu weli u baahan yahay horumar badan — ilaa hadda hal kulan oo kaliya ayay ku guuleysteen siddeed kulan oo horyaalka ah oo ay marti ku ahaayeen.

“Manchester United saddex dhibcood iyo afar boos ayay ka sarreeyaan jadwalka horyaalka, balse waxay waayeen dhowr ciyaaryahan oo u maqan Koobka Qaramada Afrika, aniga aragtidayda, Newcastle United weli waxay leeyihiin koox ka fiican.”

“Arrintaas awgeed, waxaan taageerayaa kooxda uu hogaamiyo Eddie Howe kulankan. Si kastaba ha ahaatee, goolal badan ma jiri doonaan, waxaana suuragal ah in ay u baahdaan kaliya hal gool si ay guusha u gaaraan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga