Chris Sutton Oo Saadaaliyay Kulamada 3-da Kooxood Ee Ugu Sareeya Premier League.

Chris Sutton ayaa shaaca ka qaaday saadaashiisa seddexda kulan ee xasaasiga ah bartamaha isbuucaan ee tartanka horyaalka Premier League.

Guushii Liverpool ay ka gaartay Brighton Axadii iyo barbarihii gool la’aanta ee Arsenal ay la gashay Manchester City ayaa ka dhigtay kooxda Jurgen Klopp inay hogaanka horyaalka ku hayaan labo dhibcood iyadoo sagaal kulan ay harsan yihiin.

Reds, oo la ciyaari doonta habeenka Khamiista kooxda Sheffield United oo ku jirta kaalinta ugu hooseysa, ayaa isku diyaarineysa inay ku guuleysato horyaalka xilli ciyaareedka ugu dambeeya ee Klopp ee Anfield.

Liverpool ayay u badantahay in lagala wareegi doono hogaanka premier league marka ay Arsenal la ciyaarayso Luton halka ay Man City la ciyaari doonto Aston Villa.

Sutton ayaa saadaaliyay in ay 3-da kooxoodba badin doonaan kulamadooda xilli uu waraysi siiyay wargayska BBC Sport.

“Arsenal waxa ay u baahneyd daqiiqada ugu danbeysa goolkii Declan Rice si ay 4-3 uga badiyaan kulankii ugu dambeeyay ee ay kooxahan kulmaan, Laakiin kulankan ma noqon doono sidii oo kale maadama ay Arsenal Emirates joogto”.

“Waxa aan filayaa in ay Arsenal si dhib yar kaga badiso Luton kuna badiso 3/0″ayuu yidhi.

“Man City waxa aan filayaa in ay badiso kulanak waxana ay ku badin doonaan 2/1”.

“Kulankan waxa uu u dhexeeyaa hogaamiyayaasha iyo kooxda ugu hoosaysa, waxa aan filayaa in uu Mohamed Salah sii wado wacdaraha”.

“Waxa aan filayaa in ay Liverpool guul weyn gaadho kuna badiso 5/0”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga