Chris Sutton Oo Badalay Saadaashiisii Premier League, 3 Koox Ayuu u Saadaaliyay Ku Guulaysiga Premier League.

Chris Sutton ayaa sameeyay saadaal cusub oo afarta koox ee ugu sareeya horyaalka premier League isaga oo sheegay in uu tartanka horyaalku ka dhexeeyo kaliya kooxaha Manchester City, Chelsea iyo Liverpool meeshana ka saaray kooxda Man United.

Kadib dhamaadka fasaxa xulala chelsea ayaa bilaaban doonta horyaalka iyaga oo kaalinta 1-aad ku jira premier League ah iyaga oo leh 16 dhibcood hal dhibicna ka horeeya Liverpool halka ay 2 dhibcood ka horeeyaan kooxaha Man United iyo Man City.

Dad badan ayaa filayay in ay kooxaha Man City, Man United, Liverpool iyo chelsea ku tartami doonaan premier League laakiin Sutton ayaa meesha ka saaray kooxda Man United.

“Horyaalku waa tartan ka dhexayn doona 3 kooxood kuwaas oo kala ah Man City, Liverpool iyo chelsea”ayuu Sutton u sheegay Daily Mail.

“Hadii ay Man City la saxiixan lahady weeraryahan waxa ay horyaalka ku noqon lahaayeen kali laakiin taasi ma dhicin”.

“Man United uma arko koox u tartami doonta horyaalka laakiin waxa ay ku dhamaysan doonaan 4-ta boos ee ugu sareeya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ma Dhacday In Gacalisadaadu Ku Siiso Jawaabo Gaagaaban, Ma Is Waydiinaysaa Sababta Ay Sidaas U Samaynayso, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*