Chilwell Oo Ka Hadlay Ciyaaris La’aanta Kooxdiisa Ee Xilli Ciyaareedkan.

Xiddiga Ben Chilwell ayaa kaliya 4 kulan u saftay chelsea xilli ciyaareedkan iyada xiddiga reer England boos ku yeeshay kaydka kooxda chelsea tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday kooxda.

Markii la weydiiyay inuu la wadaago sida uu u arko in uuna kulamo badan u ciyaarin kooxda Chilwell ayaa yidhi“Ma dhihi doono waa niyad jab”.

“Waxa loo baahanyahay samir iyo in aan si adag tababarka u qaato, Marcos ayaa si fiican u ciyaarayay, waa in aan Ixtiraamo arintaas, waxa aan si adag u qaadanayay tababarka si aan diyaar ugu noqdo marka aan fursad helo”.

“Sabtidii waxa aan dareemay fiicnaan dhinaca taam ahaanshaha, si adag ayaan u tababaranayay, waxana aan hubinayay in aan 100% taam noqdo si marka aan fursad u helo aan u ciyaaro”.

Chilwell ayaa markii ugu horaysay ku bilowday kulankii Southampton kaas oo ah kulankii ugu horeeyay ee premier League xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Ragga Mise Dumarka? Keebaa Kalgacal badan Marka Uu Jacaylka Ku Dhoco?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*