Chiellini Oo Magacaabay Xiddiga Uu Doonayo In Uu Ku Guulaysto Abaalmarinta Ballon d’Or-ka Sanadkan.

Xiddiga xulka qaranka Italy iyo kooxda Juventus ee Giorgio Chiellini ayaa taageeradiisa ku tuuray saaxiibkiis Jorginho si uu ugu guuleysto Ballon d’Or -ka sanadkan.

Xiddiga Jorginho ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay isaga oo ku guulaystay champions League oo uu kula guulaystay Chelsea iyo Euro 2020 oo uu kula guulaystay xulka qaranka Italy ka hor inta uuna chelsea kula guulaysan UEFA Super Cup.

“Waxaan rajeynayaa inuu ku guuleysan doono Ballon d’Or sababtoo ah waa saaxiib, waxaana dareemi doonaa in abaalmarinta ay tahay mid aniga ii gaar ah sida Talyaaniga oo kale,” ayuu yiri Chiellini ka hor kulanka chelsea ee caawa.

“Wuxuu fure u ahaa qaab ciyaareedkeena waxana aan isaga dartiis u badinay kulamo badan”.

“Waxaan mar walba u arkaa Jorginho inuu yahay ciyaaryahan weyn ka dib labadii tababar ee ugu horeysay ee aan wada qaadanay, laakiin wuxuu horumar ku sameeyay tababare Roberto Mancini”.

Sii Akhriso: Gabadheey!! Ma Doonaysaa In Aad Ogaatid In Uu Ninku Yahay Mid Kugu Haboon Adiga, Ma Doonaysaa In Aad Ku Ogaatid Shakhsiyadiisa Kulanka Ugu Horeeya, 3-dan Su’aal Ayaa Kaaga Filan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*