Chesea Oo Ross Barkley & Michy Batshuayi Ku Doonaysa Xiddig Premier League Ka Ciyaara.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ku faraxsan tahay in ay xiddigaha  Ross Barkley iyo Michy Batshuayi ka iibiso kooxda West Ham si ay u hesho badalkooda xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice.

Xilli la filayo in uu xiddiga Kai Havertz Chelsea kula soo biirayo xiddigaha Hakim Ziyech & Timo Werner Blues ayaa galaysa boos ayna isku dheelitirnayn kooxda chelsea.

Wargayska Times ayaa sheegaya in Frank Lampard doonayo in uu qaar ka mid ah xiddigaha kooxdiisa ku daro heshiiska uu ku doonayo xiddiga da’yarka ah ee Rice.

Inkasta oo uu Barkley si joogto ah ugu ciyaaray kooxda chelsea tan ilaa markii dib loo bilaabay xilli ciyaareedka hadana soo laabashada Ruben Loftus-Cheek iyo ciyaarista Mason Maunt ayaa uga filan booska Barkey.

Dhanka kale xiddiga Batshuayi ayaa ka baxay qorshaha Frank lampard kaas oo aan wax kulan ah u ciyaarin kooxda tan ilaa February 29.

Rice ayaa kooxda West Kula jira heshiis 4 sano ah West Ham ayaana laga yaabaa in ayna ku qasbanaan doonin in ay iska iibiso xiddiga reer England.

Sii Akhriso: Musharaxa Madaxtinimo Ee Dalka Maraykanka Oo Balan Qaad U Sameeyay Dadka Muslimiinta Ah Soona Xigta Xadiiskii Nabi Mohamed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*