Chelseea Oo Dajisay Qorshe Ay Ugu Dhaqaaqayso Saxiixa Erling Haaland.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay iibiso afar Xiddig si ay u xoojiso fursadaheeda ay kula soo saxiixan karto weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland.

Kadib markii ay ku guulaystay champions league markii 2-aad ee taariikhdooda Blues ayaa diyaar u ah inay jabiso rikoorkeeda suuqa kala iibsiga si ay u hesho saxiixa Xiddiga reer Norway xagaagan.

Sida laga soo xigtay Sunday World, Chelsea waa inay iska iibiso dhawr xiddig oo kooxdeeda jooga si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga 20 jirka ah xagaagan.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea isku diyaarinayso in ay iska iibiso xiddigaha Kepa Arrizabalaga, Ross Barkley, Tammy Abraham iyo Olivier Giroud todobaadyada soo socda.

Kooxda chelsea ayaa doonaysa in ay xiddigaha ay iibinayso in ay ka samayso lacag dhan 86 milyan oo euro taas oo u fududayn karta in ay hesho saxiixa Haaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*