Chelsea Yay Bartilmaameysaa Haddii Ay Ku Fashilmaan Saxiixa Kai Havertz?

Chelsea ayaa lagu warmayaa in ay xoogga saarayaan in ay xagaagaan ay Lille kala soo hishiiyaan Jonathan Ikone haddii ay dhacdo in ay Bayer Leverkusen hishiis kala gaari waayaan saxiiixa Kai Havertz.

The Blues ayaa wadahadallo kula jirta kooxdaas reer Jarmal si ay u helaan Kai Havertz kaasi oo dhankiisa la xusayo in uu kooxdiisa ku cadaadinayo in la dhageysto dalabka kooxda reer Ingiriis

Si waliba oo ay ahaato , wargeyska Le 10 Sport ee France waxa uu qorayaa in Chelsea ay ku qasbanaaneyso in ay raadiyaan badalka Kai Havertz maadaama Leverkuzan u muuqdaan kuwo adkeynaya xaaladda

Jonathan Ikone oo u dhashay France waxaa horay u baadi goobeysay kooxda Dortmund ee horyaalka Jarmalka , waana xiddig ka ciyaara booska qad dhexe weerar

Kooxda Lille waxa ay Jonathan Ikone ku qiimeynsaneysaa aduun 32 milyan oo euro lamana oga in Chelsea diyaar u yihiin in 22 sano jirkaas ka bixiyaan qiimahaas balse waa mid aad uga hooseya midka Havertz.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*