Chelsea Vs Tottenham : Kooxda Tuchel Taariikh Guulo Ah Ayay Ku Leeyihiin Wiilasha Conte

Tottenham ayaa kulan adag oo horyaalka ah waxa ay marti ugu yihiin Chelsea , waxa ayna kulankaan galayaan iyadoo bandhig ahaan ay wacan yihiin .

* Tottenham kaliya 7 jeer oo horyaalka ah ayay ka  badiyeen Chelsea ka dib 59 kulan oo ay yeesheen

* Chelsea waa bilaa guul darro 6-dii kulan ee ugu dambeeyay horyalka ee ay la kulmeen Tottenham , 5 jeer waa badyeen halka midna ay galeen bar bar dhac

* Tottenham kaliya waxa ay badiyeen hal kulan ka dib 36 kulan oo banaanka garoonkooda kula ciyaareen Chelsea dhamaan tartamada

*Chelsea waxa ay badiyeen kaliya hal kulan 7-dii kulan ee ugu dambeeay horyaalka , sidaas oo ay tahay waxa ay qasaareen laba kulan oo qeyb ka ah 26 kulan dhamaan tartamada

* Chelsea haddii kulankaan aysan badin waxa ay u  noqoneysaa kii 5-aad markii ugu horeeysay tan  iyo october 2012-kii waqtigaas oo bilaa guul horyaalka ahaayeen 7 kulan iyadoo uu hogaaminayay Di Matteo.

* Tuchel afar kulan isku xigta ayuu ku fashilmay in uu badiyo markii ugu horeeysay tan iyo October 2016-kii waxa uuna waqtigaas hogaaminayay Dortmund

* Lukaku waxa uu Tottengam ku leeyahay hal gool ka dib markii 16 kulan uu kaga hor tagay dhamaan tartamada

  • Tottenham waa bilaa guul darro  9 kulan oo horyaalka ah iyadoo uu hogaaminayo macalin Conte