Chelsea Vs Liverpool: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Oo La Soo Saaray Ka Hor Kulankooda Final-ka FA Cup-ka.

Markii 2-aad ee xilli ciyaareedkan Liverpool iyo chelsea ayaa isaga hor iman doona Wembley final-ka FA Cup-ka Maanta.

Reds ayaan 16 sano ku guulaysan tartanka FA Cup-ka iyada oo markii ugu dambaysay ee ay ku guulaystay FA Cup-ka ayaa ahayd sanadkii 2006 markaas oo ay ka qaaday West Ham.

Dhanka kale chelse ayaa gaadhay final-ka labadii sano ee ugu dambaysay laakiin waxa ay la kulantay guuldaro iyada oo laga qaaday koobka FA Cup-ka.

Markii ugu dambaysay ee ay labada kooxood ee chelsea iyo Liverpool ku kulmeen Final-ka FA Cup-ka waxa ay ahayd sanadkii 2012 markaas oo ay chelsea ku garaacday Liverpool koobka.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya in ay ku guulaystaan koobka xilli ciyaareedkan iyaga oo doonaya in ay koobka helaan kadib markii ay soo heleen natiijooyin fiican tartanka.

Ka hor kulankooda waxa la soo saaray shaxda isku dhafka ah ee Liverpool iyo chelsea iyada oo la soo qaatay xiddigaha qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Liverpool ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 8 xiddig halka ay kooxda chelsea kaliya ku leedahay shaxda 3 xiddig.

LIV vs. CHE XI