Chelsea Oo Xasuuqday Sheffield United Ka Dib Ciyaar Weerarkeedu Halis Ahaa.

Chelsea ayaa guul ay u qalmeen waxa ay ka gaareen kooxda Sheffield United oo ay uga talaabsadeen afar gool iyo hal waxa ayna  ciyaarta aheyd mid u janjeertay Chelsea

Chelsea waxa ay kulankaas soo bandhigeen kubad cadaadis leh waxa ayna kubadda ku hayeen afka hore kooxda Sheffield United kuwaasi ay  ku adkeyd in kubadda horay u jiidaan .

Chelsea waxa ay ciyaareen kubad weerar ah waxa ayna ku badin kareen goolal intaas ka badan haddii aysan qasaarin laheyn fursadaha iyo bad baadinadii uu sameynayay goolhayaha Sheffield United

Sheffield United waxa ay ka sheegteen qaladaad dhanka daafaca iyo in kubadda aysan cagtooda ku daahin inkastoo goolka iyaga ay ku horeeyeen waxaana goolasha Chelsea kala dhaliyay Abraham ,Chilwell , Silva iyo Timo Warner

Chelsea dhan waliba ayay ka wacaanaayeen kulankaas, is fahan ayaa ka dhaxeeyya weerraka kooxdaas halka qadkooda dhexena uu ahaa mid aad u wacan .

Sheffield United kulankaan waa ku adkaa mana jirrin isku dayo ay sameynayeen waxa ayna is dhiibeen waqti hore oo keentay in ciyaarta loogu dhameeyi 4/1

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*