Chelsea Oo Xaqiijisay Saxiixeedii 3-aad Ee Suuqa Xagaaga, Arsenal Ayay Weerar Ku Qaaday.

Kooxda Chelsea ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga 18 jirka ah ee Omari Hutchinson kaas oo ay kala soo wareegtay Arsenal.

Xiddiga reer Jamaica ayaa isaga tagay Arsenal isaga oo ku biiraya kooxda 23 jirada kadib markii uu qaab xor ah uga tagay Arsenal.

Omari Hutchinson ayaa ka maqnaa kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Arsenal xilli ay xiddigaha kale ee da’yarka ah ee kooxdu joogaan.

Blues ayaa haatan si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Omari Hutchinson kaas oo ka soo baxay Akademiyada Arsenal.

Madaxa kooxda da’yarka ee chelsea ayaa ka hadlay xiisaha uu u qabo saxiixa cusub ee kooxda Arsenal kadib markii ay kooxdu dhamaystirtay heshiiskiisa.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan la soo saxiixanay Omari Hutchinson, waa xiddig da’yar ah waxana uu haatan ku soo biiray mashruuca kooxda chelsea”ayuu sii raaciyay.