Chelsea Oo Wadahalo Rasmi Ah La Furtay Seviila & Xiddiga Ay Ka Doonayaan Oo La Ogaaday.

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah wadahadalo ula furtay kooxda Sevilla oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda ee Jules Koundé sida ay sheegayaan wararku.

Chelsea ayaa suuqa ugu jirta saxiixa daafac dhexe si ay ugu xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka cusub waxana ay calaamadsatay xiddiga reer France ee Jules Koundé kaas oo wacdaro ka dhigay horyaalka La Liga.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay chelsea Si Rasmi ah wadahadalo ula furtay kooxda Sevilla si ay uga hesho xiddiga aadka loo qiimeeyo inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Isla saxafiga ayaa sheegay in uu xiddiga Jules Koundé diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda chelsea maadama uu doonayo in uu ku biiro koox ka ciyaaraysa champions League xilli ciyaareedka dambe.

Sidaas darteed haatan waxa uu heshiisku ku xidhanyahay in ay labada kooxood ee chelsea iyo Sevilla ka heshiiyaan saxiixa xiddiga si loo dhamaystiro heshiiska daafaca dhexe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 10-ka Tayo Ee Ay Dumarku Ku Jeclaadaan Ragga, Hadii Aad Leedahay Arimahan, Gabadhuhu Way Isku Kaa Dilayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*