Chelsea Oo Wadahadalo Rasmi ah La Furtay Badalka Frank Lampard?

Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay shaqada ka caydhiso tababare Frank Lampard kadib guuldaradii ugu dambaysay ee kooxda ka soo gaadhay Leicester City.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo Rasmi ah la furtay tababarihii hore ee kooxda PSG ee Thomas Tuchel si uu badal ugu noqdo Frank Lampard.

Thomas Tuchel ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa markii ay kooxda PSG shaqada ka caydhisay PSG hore inkasta oo uu Final-ka champions League geeyay Xilli ciyaareedkii hore.

Tababaraha reer Germany ayaa ah mid haysta kalsoonida milkiilayaasha kooxda Xilli uu cadaadisku ku sii kordhayo Tababare Frank Lampard.

Wakiilka xiddigii hore ee Premier League Jan Aage Fjortoft ayaa sheegay in ay chelsea haatanba wadahadalo la furtay wakiilada tababare Thomas Tuchel.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*