Chelsea Oo Wadada Guusha Ku Soo Laabatay , Southampton Ayay Ka Taqaluseen

Chelsea ayaa guul ay u qalantay waxa ay ka gaareen Southampton kuwaasi oo 10 ciyaartooy ku dhameystay ciyaarta iyaga oo ku garaacay 3/1

Sheekada  ciyaarta : Chelsea ayaa nasiinada ugu dirtay Southampton hal gool oo nadiif ah xilli VAR ay ka careysiiyay taageerayaasha kooxda galbeedka London ka dhisan .

Ciyaarta ayaa aheyd mid si isugu jacbursan balse Chelsea iyaga ayaa ka wacnaa Southampton oo ay ku adkeyd in kubadda si sax u soo jiidaan

Chelsea  gool  uu  dhaliyay  Warner ayaa la diiday  sababo la xariira Offside , waxa ayna Chelsea kubadda haysteen heer dhan %53

Southampton isku dayo waa sameeyeen balse ma aheyn kuwo dhameystir leh .

Soo laabashadii , si ayay ciyaarta isugu dhaweyd ma jirrin halis gilin muuqata balse dhanka Chelsea iyaga ayaa laga filan karay gool labaad waxa ayna Southampton ku tiirsanaayeen rogaal celiska oo ay ugu dambeyn gool ku heleen daqiiqadii 61-aad

Chelsea cadaadis  saareen Southampton xilli macalin Tuchel uu badal ku soo giliyay daqiiqadii 65-aad Mount oo loo saaray  Callum Hudson-Odoi

Chelsea si xal ugu helaan in kubadda dhameysitaan waliba gaarsiyaan goosha waxa ay soo giliyeen Jerginho oo daqiiqadii 73-aad lo saaray Mateo Kovacic

Dhamaadkii Chlesea dadaal dheeraad ah ayay bixiyeen waxa ayna daqiiqadii 83-aad soo giliyeen  barkley Ruben Loftus-CheekRoss Barkley, waxa uuna cadaadiska Chelsea xoogeytay ka dib markii Southampton kaarka cas laga qaatay daqiiqadii 77-aad

Ugu dmabeyn Chelsea cadaadiskooda waxa ay ku keeneen gool si cajiib ah looga shqeeyay waxaana turjumay daqiiqadii 84-aad

Ka dib wax laga qoro ma jirrin ciyaarta waxa ayan Chelsea heleen gool sedexaad daqiiqadii 89-aad waxaana saxiixay B. Chilwell,waxa ayan ugu dambeyn ciyarta ku dhamaatay 2/1 opo ay Chelsea guusha ku racaday .

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*