Chelsea Oo Waadahadalo Heshiis Kordhin Ah La Furtay Laba Xiddig Oo Kooxdeeda Ah.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay xiddigaha Thiago Silva & Jorginho.

Silva ayaa heshiis hal sano ah saxiixay markii uu ku soo biiray chelsea xagaagii laakiin waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah taas oo keentay in ay Blues damacdo in ay sii haysato xiddiga.

Dhanka kale Jorginho ayaa kooxda kula jira heshiis dhici doona ilaa xagaaga 2023 laakiin waxa si weyn loola xidhiidhinayay xiddiga in uu isaga tagayo kooxda suuqa soo socda.

Sida laga soo xigtaySportitalia chelsea ayaa wadahadao la furtay Silva iyo Jorginho si ay uga saxiixato heshiisyo cusub oo gaadhaya 2023 oo Silva ah iyo 2025 oo Jorginho ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu tababare Thomas Tuchel si gaar ah u dalbaday in ay kooxdu mustaqbalka labada xiddig xaliso maadama ay ka mid yihiin qorshihiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*