Chelsea Oo Tallaabo U Qaaday Saxiixa Jude Bellingham

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay si dhab ah ugu biirtay baacsiga loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund Jude Bellingham.

Kadib markii uu kooxda Dortmund ku biiray sanadkii 2020, Jude Bellingham ayaa dhaliyay 13 gool 18 kalena caawiyay 100 kulan oo uu u ciyaaray Dortmund.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa soo jiitay kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub kana mid yihiin Liverpool, Manchester City, Manchester United iyo Real Madrid.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Chelsea ayaa sidoo kale ku raad joogta xiddiga iyada oo Milkiilaha kooxda ee Todd Boehly uu haatan wadahadalo la qaatay wakiilka xiddiga.

Inkasta oo ay Blues aaminsantahay in ay kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ku horeeyaan tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga hadana waxa ay aaminsanyihiin in ay qiimo ahaan awoodaan in ay dhamaystiraan saxiixa xiddiga.

Heshiiska Bellingham ee Dortmund ayaa dhici doona sanadka 2025 waxana la rumaysanyahay in ay kooxdu doonayso in ay lacag aad u badan ku iibiso xiddiga.