
Chelsea ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay Alejandro Garnacho laakiin waxay wali wadahadalo kula jirtaa Manchester United si ay ugala hadasho qiimaha sida ay wararku sheegayaan.
Garnacho ayaa doonayay in uu xagaagan isaga tago kooxda Man United laakiin waxa uu doonayaa in uu ku sii nagaado horyaalka premier League oo uu ku biiro koox ka ciyaarta champions League taas oo ka dhigaysa kooxda ugu cadcad saxiixiisa kooxda chelsea.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayay isku dheceen tababaraha Kooxda ee Ruben Amorim dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore waxaana laga saaray safarka kooxda ee xilli ciyaareedka cusub xagaagan.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Garnacho ayaa mar hore ogolaaday heshiiska shaqsiga ah ka hor inta uusan u wareegin Stamford Bridge laakiin United iyo Chelsea ayaan wax heshiis ah ka gaarin qiimaha 21 jirkaan.
United ayaa la fahamsan yahay inay ku dalbaneyso 50 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga reer Argentine xagaagan.
Be the first to comment