Chelsea Oo Talaabo Muhiim Ah U Qaaday Dhamaystirka Saxiixa Romelu Lukaku.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Romelu Lukaku kaas oo ogolaaday heshiis 5 sano ah oo uu ugu biiri doono kooxda ku ciyaarta Stamford Brige.

Kooxda cheslea ayaa la sheegayaa in ay aad ugu dhawdahay saxiixa xiddiga Blues kaas oo horay ugu soo ciyaaray kooxda.

Inkasta oo ay ku fashilmeen dalabkoodii ugu dambeeyay ee ahaa 85 milyan iyo Marcos Alonso hadan wararka ayaa sheegaya in ay chelsea ku dhawdahay saxixia xiddiga reer Belguim

Sida laga soo xigtay football.london, chelsea ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga kaas oo ogolaaday heshiis 5 sano ah.

Xilli ay chelsea doonayso in ay si deg-deg ah u dhamaystirto saxiixa xiddiga haatan waxa ay ku xidhantahay ogolaanshaha milkiilayaasha Inter Milan ee dhamaystirka xiddiga ee kooxda chelsea.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Cuntooyinka Kor U Qaada Rabitaanka Ragga & Dumarka Ee Kulanka Sariirta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*