Chelsea Oo Taariikh Samayn Karta Kulanka Caawa Ee FA Cup-ka.

Chelsea waxay heli doontaa fursad ay taariikh uga sameyso FA Cup marka ay la ciyaarto Hull City habeenka Jimcaha.

Blues ayaa u safri doonta garoonka MKM Stadium iyagoo doonaya inay ka soo kabsadaan fashilka ay la kulmeen kadib markii ay lumiyeen laba gool oo hogaanka ah kulankii ay la ciyaareen Leeds United Talaadadii.

Sidoo kale, Liam Rosenior ayaa mar kale ku soo laabanaya kooxda tan iyo markii laga eryay xilka tababarenimo ee Tigers bishii May 2024, isagoo sheegay in ay noqon doonto waayo-aragnimo “dareen leh”.

Si kastaba ha ahaatee, diiradda ayaa si buuxda u saaran isku dayga inay Chelsea ka sii gudubto tartanka, oo aysan ku guuleysan tan iyo xilli-ciyaareedkii 2017-18.

Inkasta oo ay Hull City lama filaan qarkin karto hadana Chelsea ayaa haysata fursad ay ku sameyso taariikh yar oo FA Cup.

Kooxaha chelsea iyo Hull City  ayaa isku wajahaya FA Cup markii sagaalaad taariikhdooda, iyadoo kooxda Galbeedka London si cajiib ah uga soo baxday dhammaan kulamadii hore.

Haddii Chelsea guuleysato kulanka caawa, waxay la mid noqon doontaa Leicester City F.C. oo haysata rikoor 100% guulo ah marka ay ka hortimaaddo Birmingham City F.C. sagaal jeer oo ay ku kulmeen tartankan.

Dhanka kale, Hull waxay hal mar oo keliya ka adkaatay Chelsea 35-kii kulan ee ugu dambeeyay ay wada ciyaareen, guushaas oo timid sanadkii 1988.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga