Chelsea Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Xiddig Man United Isaga Tagay

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo goolhayihii hore ee Manchester United Sergio Romero inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagagan.

Goolhayaha reer Argentine ayaa ku fashilmay in uu wax kulan ah u safto Man United xilli ciyaareedkii hore isaga oo qaab xor ah uga tagay markii uu dhamaaday xilli ciyaareedku.

Thomas Tuchel ayaa raadinaya Goolhaye 3-aad oo la tartama goolhayayaasha Eduourd Mendy & Kepa Arrizabalaga Wargayska The Telegraph ayaana sheegaya in uu Romero yahay Dookha ay kooxdu haatan ka fiirsanayso.

Chelsea ayaa iska fasaxday Goolhayeheedii 3-aad ee Willy Caballero xagaagan waxana ay suuqa ugu jirtaa Goolhaye 3-aad oo ay ku xoojiso booska.

Romero ayaa ahaa dookha 2-aad muddo 3 sano ah ka hor inta uuna noqon dookha 3-aad xilli ciyaareedkii hore kadib markii uu Dean Henderson ku soo laaban kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Is Jeclaysiisid Soddohdaa Kulanka Ugu Horeeya, 6-dan Wado Ayaa Kaa Caawinaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*