Chelsea Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Ciyaartoy Laga Naxay Man City.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqo saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man City ee John Stones si ay u badbaadiyaan xirfadiisa ciyaareed.

Stones ayaa kaliya 16 kulan saftay Premier League xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha dhaawacyo iyo qaab ciyaareed xun oo uu soo bandhigay.

Xiddiga reer England ayaa si joogto ah ugu ciyaarayay Man City 2-dii sano ee ay ku guulaysteen horyaalka prmeier League laakiin haatan waxa uu u muuqdaa in uu ka baxay qorshaha tababare Pep Guardiola.

Chelsea ayaa si dhaw ula socotay xaalada Stones waxana ay doonayaan in ay kooxdooda ku daraan xilli ciyaareedka dambe kuna xoojiyaan daafaca dhibaataysan.

Tababaraha Blues ee Frank Lampard ayaa u arka xiddiga reer England xiddig leh khibrad fiican oo uu ku caawin kara daafaciisa dhibaatoonaya xilli ciyaareedkan.

1 Comment

  1. Waxba kuma soo kordhinayo dafac liita ee chelsea inuu uga sii daro mooyee frank lamprad waa aanu soo qaadan stones waa kii galafan lahaa shaqadiisa
    #Viva_chelsea

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*