Burnley ayaa si lama filaan ah u la timid barbaro 1-1 ah oo ay la gashay Chelsea kulankii wareegga 27-aad ee Horyaalka Ingiriiska (Premier League), kaas oo ka dhacay Stamford Bridge.
Chelsea ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 4-aad kadib markii João Pedro uu dhaliyay gool ka yimid kubbad uu soo karoosay Pedro Neto, taas oo xiddiga reer Brazil si xirfad leh ugu dhammeystiray shabaqa.
Blues ayaa ku dhammeystay ciyaarta 10 ciyaaryahan kadib markii Fofana laga saaray garoonka daqiiqaddii 72-aad kaarka cas.
Daqiiqaddii 90+3, Burnley ayaa heshay goolka barbaraha kadib kubbad koorno ah oo uu soo tuuray James Ward-Prowse, taas oo soo gaartay xerada ganaaxa, halkaas oo Zian Flemming uu si qurux badan madax ugu dhaliyay shabaqa.
Chelsea ayaa sidaas ku gaartay 45 dhibcood, iyagoo si ku meel gaar ah ugu jira kaalinta afaraad, halka Burnley ay gaartay 19 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta sagaal iyo tobnaad.
Be the first to comment