Chelsea Oo Shaacisay Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaanayo Billy Gilmour , Rajada Ma Wacna.

Tababaraha Chelsea ee Lampard ayaa shaaca ka qaaday in Billy Gilmour uu marayo qaliin jilibka ah

Wargeyska The Sun ayaa dhankeeda qortay in qalliinkaas uu Billy Gilmour ku maqnaan doono muddo 12 asbuuc ah balse Lambard waxa uu leeyahay waa ay ka badnaan doontaa .

” Billy Gilmour waxa uu marayaa qalliin waxa uuna maqnaan doonaa muddo u dhaxeysa sedex ama ilaa afar bil”.

“Waxaan dareemayaa niyad jab , waxaan diyaar ula nahay in aan is garab taagno Billy Gilmour” ayuu sii raaciyay tababare Lampard

Macalinka waxa uu dhanka kale diiday in uu ka hadlo wararka sheegaya in Chelsea ku dhaw dahay saxiixa Kai Havertz

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*