Chelsea Oo Real Madrid Wax Ka Waydiisay Xiddig Garabka Ka Ciyaara

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior ayaa lagu soo waramayaa in uu xiiso ka helayo kooxda Chelsea.

Marka loo eego in uu kooxda kula jiro heshiis ilaa xagaag 2025 ah maamulka Real Madrid ayaa xiddiga Vinicius Junior u arka qorshaha mustaqbalka fog ee kooxda.

Si kasta ah ahaatee kadib markii uu kaliya ku bilowday 14 kulan La Liga iyo Champions League xilli ciyaareedkan waxa su’aal laga keenay mustaqbalkiisa.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay kooxda Chelsea dhigeeda Real Madrid wax ka waydiisay helitaanka xiddiga 20 jirka ah ee Vinicius Junior suuqa xagaagan.

Isla wararka ayaa sheegaya in ay Blues kor u qaadi doonto dadaalka ay ku doonayso xiddiga todobaadyada soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*