Chelsea Oo Qorshaynaysa In Ay U Dhaqaaqdo Saxiixa Goolhaye Kale Inkasta Oo Ay La Soo Saxiixatay Edouard Mendy

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay weli xiiseyneyso saxiixa Goolhayaha kooxda Ac Milan ee Gianluigi Donnarumma waxaana laga yaabaa inay u dhaqaaqdo xagaaga soo aadan.

Blues ayaa lala xiriirinayay Goolhayaha reer Italy intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xilli ay raadinayeen bedelka Goolhaye Kepa Arrizabalaga.

Kooxda Frank Lampard ayaa la fahamsan yahay inay xiriir la sameeyeen Donnarumma ka hor inta aysan ugu dambeyn la soo saxiixan Edouard Mendy kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Rennes.

Si kasta ha aahaatee wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in ay Chelsea wali xiiso u qabto saxiixa xiddiga Goolhayaha 21 jirka ah isla markaasna ku laaban doonto baacsigiisa xagaaga soo socda markaas oo uu dhici doono heshiiskiisa haatan.

Ac Milan ayaa doonaysa in ay sii haysato Goolhayeheeda iyaga oo wadahadalo heshiis kordhin ah kula jira laakiin labada dhinac ayaan wali wax heshiis ah ka gaadhin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*