Chelsea Oo Premier League Ka Doonaysa Badalka Jorginho

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda West Ham ee Declan Rice sida ay sheegayaan wararku.

Inkasta oo uu heshiis wakhti dheer ah kula jiro kooxda West Ham hadana Declan Rice ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha Man United iyo Man City.

Haatan Sky Sports News ayaa sheegaysa in ay kooxda chelsea ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer England si ay ugu badasho xiddiga Jorginho.

Xiddiga Declan Rice oo haatan 21 jir ah ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu qaab ciyaareedkiisu soo jiitay kooxaha ugu waaweyn Premier League.

Chelsea iyo Frank Lampard ayaa isku diyaarinaya Nolol La’aanta Jorginho ah kaas oo lala xidhiidhinayo ku laabashada horyaalka Serie A-da gaar ahaan kooxda Juventus.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*