Chelsea Oo Man United & Liverpool Kula Biirtay Baacsiga Xiddiga Jadon Sancho, Miyaa La Heli karaa Suuqa January.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay kula biirtay kooxaha Manchester United iyo Liverpool tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Borussia Dortmund Jadon Sancho.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinaay kooxda Man United suuqii xagaaga laakiin Red Devils ayaa Dortmund kala heshiin wayday saxiixa xiddiga taas oo keentay in uu sii joogo kooxda.

Sancho ayaa xilli ciyaareedkan ilaa haatan ku fashilmay in uu soo bandhigo qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo aan wax gool ah dhalin ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Laakiin xiddiga ayaa mar kale la filayaa in lala xidhiidhiyo kooxaha premeir League marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha January.

Liverpool ayaa la sheegayaa in ay si dhaw ula socoto xiddiga laakiin wargayska Que Golazo ayaa sheegaya in ay chelsea diyaar u tahay in ay saxiixa xiddiga kula tartanto kooxaha premier League.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga marka uu furmo suuqa January kadib markii uu ku fashilmay in uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*