Chelsea Oo Man City Kula Biirtay Baacisga Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Prmeier League.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay Man City kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa daafaca kooxda Brighton ee Marc Cucurella sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Marc Cucurella ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Brighton xilli ciyaareedkan waxana uu soo jiitay indhaha kooxaha waaweyn ee premier League.

Man City ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga reer Spain kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso daafaca Bidix kadib markii ay booskaas ku dhamaatay xilli ciyaareedkan.

Laakiin Chelsea oo la filayo in ay yeelato milkiilo cusub maalmaha soo socda ayaa bartilmaameed ka dhigatay xiddiga Marc Cucurella si ay ugu xoojiso daafaca.

Kooxda Birghton ayaa Kooxaha doonaya saxiixa Marc Cucurella u sheegtay in ay bixiyaan lacag dhan 45 milyan oo euro hadii ay doonayaan in ay helaan saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay The Sun, Blues ayaa diyaar u ah in ay wax walba u samayso sidii ay Man City ugu garaaci lahayd saxiixa xiddiga.