Chelsea Oo Loo Sheegay Xiddiga Ay Tahay In Ay Ugu Dhaqaaqaan badalka Eden Hazard.

Dimitar Berbatov ayaa ka codsaday Chelsea inay la soo saxiixato xiddiga kooxda Bayern Leverkusen Kai Havertz, si uu badal ugu noqdo Eden Hazard.

Xiddiga qadka dhexe ee weerarka Havertz ayaa dhaliyay labo gool soo laabashadii Bundesliga ee todobaadkii hore waana mid ka mid ah xiddigaha da’yarka ah ee ugu fiican yurub.

20 jirka ayaa sidoo kale lala xiriiriyay Manchester United, laakiin xiddigii hore ee United iyo Leverkusen Berbatov ayaa rumaysan in ay chelsea u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Germany si ay badal uga dhigto Eden Hazard oo ka tagay kooxda xagaagii hore kuna biiray kooxda Real Madird.

“Waxaan u maleynayaa inay xiiso badan tahay in la arko Chelsea oo lala xiriiray isaga Run ahaantii lama soo saxiixan Badalka Eden Hazard tan ilaa markii uu ka tagay kooxda”ayuu Berbatov u sheegay Betfair.

“Waxa aan hubaa in ay u baahanyihiin xiddigo da’yar ah oo sanado badan sii ciyaari kara, hadii ay sidaas tahay sidoo kale waa in ay u samraan sababta oo ah marar qaar xiddigaha da’yarka ah ayaa u baahan in ay la qabsadaan horyaal sida premier League oo kale ah”.

Advertisements

“Havertz waa dookh hor yaala waxana aan rajaynayaa in uu qaab ciyaareedka fiican sii wado waliba dhaliyo goolal sida uu ilaa haatan sameeyay”.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*