John Obi Mikel ayaa aaminsan in Chelsea aysan ku guuleysan doonin Premier League iyadoo Nicolas Jackson uu yahay weeraryahankooda kaliya.
Chelsea ayaa la kulantay natiijooyin xun kulamadii ugu dambeeyay ee premier League iyaga oo aan guul gaadhin 4-tii kulan ee ugu dambeeyay haatana 10 dhibcood ka dambeeya hogaamiyayaasha horyaalka Liverpool.
Jackson ayaa dhaliyay 9 gool premier League xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu ku dhibaatooday qaab ciyaareedka kulamadii ugu dambeeyay isaga oo kaliya hal gool dhaliyay 6-dii kulan ee ugu dambaysay.
Obi Mikel ayaana aaminsan in Chelsea ay qasab ku tahay inay keensato weeraryahan cusub si ay u soo yarayso farqiga u dhexeeya iyada Iyo Liverpool.
“Waxaan abuureynaa fursado, waxaan wali si fiican u ciyaareynaa, wali waxaan sameyneynaa waxyaalihii saxda ahaa laakiin ma dhamaystirayno fursadaha, ma dhalinayno goolasha”ayuu Obil Mikel yidhi.
“Waxa aan ka hadlnay in aan u baahanahay weeraryahan heer sare ah oo noo badin kara kulamada noocan oo kale ah, way adagtahay in lagu tiirsanaado Nicolas Jackson sababta oo ah ma ahan dhamaystire fiican”.
Be the first to comment