Chelsea Oo Lagu Garaacay Saxiixa Xiddig Ay Muddo Ku Raad Joogtay

Chelsea ayaa u muuqata inay seegi doonto tartanka loogu jiro helitaanka Achraf Hakimi, ka dib markii wakiilka ciyaaryahanka uu shaaca ka qaaday in daafacu wadahadal qoto dheer kula jiro Paris Saint-Germain.

22 jirkaan ayaa diirada u saarnaa kooxda ku guulaystay champions League waxana ay rajaynayeen in ay helaan saxiixa xiddiga kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo bandhigay kooxda xilli ciyaareedkii hore.

Hakimi ayaa door muhiim ah ka ciyaaray dhinaca midig ee kooxda ku guuleysatay horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkii hore sidoo kale waxa uu ka ciyaari karaa garabka bidix.

Si kastaba ha ahaatee, wakiilkiisa Alejandro Camano ayaa haatan sheegay in Hakimi uu wadahadalo horumar leh kula jiro PSG isaga oo ka hoos ciyaari doona tababare Mauricio Pochettino ayaa doonaya in uu ku xoojiyo kooxdiisa.

“Waxaan ka wada hadalnay waxyaabo dhowr ah, ma dhihi karno wali in Hakimi uu yahay xiddig PSG aH, Waxa aan haatan ka wadahadalnay wax walba”ayuu yidhi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*