Chelsea Oo Ku Dhaw Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ka Hor Suuqa January.

Kooxda chelsea ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga kooxda RB Leipzig ee Christopher Nkunku sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.

Chelsea ataa bilihii ugu dambeeyay si weyn loola xidhiidhinayay saxiixa xiddiga reer France ee Christopher Nkunku kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso weerarka.

Blues ayaa doonaysa in ay xiddiga 25 jirka ah ka dhigto saxiixeeda ugu horeeya ee suuqa January si ay ugu xoojiso kooxda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Wargayska Le10 Sport ayaa sheegaya in ay chelsea ku dhawdahay in ay kooxda RB Leipzig kala heshiiso saxiixa xiddiga Christopher Nkunku kadib wadahadalo horumar leh.

Chelsea ayaa xiddiga Christopher Nkunku ka saxiixanaysa heshiis 5 sano ah waxana la filayaa in uu hogaamiyo weerarka chelsea qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*