Chelsea Oo Ku Dhaw In Ay Barcelona Ku Garaacdo Jules Kounde

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Sevilla ee Jules Kounde sida ay sheegayaan wararku.

Wararka ayaa sheegaya in ay Blues doonayso in ay saxiixa Jules Kounde ku garaacdo kooxda Barcelona kuwaas oo lala xidhiidhinayo xiddiga reer France.

Wargayska AS Ayaa sheegaya in ay chelsea ku dhawdahay in ay Blues dhigeeda Barcelona ku garaacdo saxiixa xiddiga daafaca dhexe ka ciyaara.

Chelsea ayaa haatanba bixisay lacagta lagu bur-burin karo heshiiska laakiin Xiddiga ayaan wali wax go’aan ah ka gaadhin ku biirista kooxda chelsea.

Xiddiga reer France ayaa lagu soo waramayaa in uu sugayo kooxda Barcelona ka hor inta uuna go’aansan ku biirista kooxda Chelsea.

Chelsea ayaa xiddiga Jules Kounde lala xidhiidhinayay tan ilaa xagaagii hore iyada oo Sevilla diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga xagaagan.