Chelsea Oo Kor U Qaaday Dadaalka Ay Ku Doonayso Saxiixa Xiddiga Kai Havertz

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay kor uqaaday dadaalkooda ay ku dooneyso inay ku soo gabagabeyso heshiiska ay kula soo wareegeyso xiddiga diirada u saaran Kai Havertz ka dib markii uu soo dhamaaday xilli ciyaareedka kooxda Bayer Leverkusen.

Xiddiga reer Germany ayaa dhaliyay gool rikoodhe ah kulankii ay Leverkusen guuldarada 4/2 ah kala kulantay kooxda Bayern Munich Final-ka koobka DFB-Pokal.

Tababare Frank Lampard ayaa xiddiga Havertz u calaamadsaday xiddig ka maqan kooxdiisa si uu ugu tartamo koobab xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Evening Standard ayaa sheegaya in ayna chelsea doonayn in ay wakhti iska lumiso soona afjarto saxiixa xiddiga kadib markii uu xilli ciyaareedka kooxdiisu si rasmi ah u dhamaaday.

Chelsea ayaa la rumaysanyahay in ay diyaar u tahay in ay bixiso dalab lacageed oo dhan 70 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga ku lug lahaa 25 gool tartamada oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*