Chelsea Oo Kooxaha Reer Italy U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karaan Saxiixa Jorginho

Wakiilka Jorginho ayaa sheegay in ay chelsea madaxa xiddig dul dhigtay 50 milyan oo euro xilli uu xiddigu xiiso ka helayo kooxaha Napoli, Juventus iyo Ac Milan sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa chelsea kaga soo biiray Napoli xagaagii 2018 isaga oo kooxda ugu soo biiray lacag dhan 50 milyan oo euro waxana uu dib u helay booskiisa kooxda kadib markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday kooxda.

Heshiiska Jorginho ee chelsea ayuu ka hadhay 2 sano waxana uu todobaadkan sheegay in uu doonayo ku laabashada kooxda Napoli.

Jorginho oo la hadlaya Sky Italy ayaa yidhi”Marka aad ku noolaato Naples marna ma iloobi kartid”.

“Waxa aan Napoli ku soo qaatay Khibrad fiican aad ayaanan u jecelahay taageerayaasha iyo magaalada”.

Wakiilka Jorginho ayaa dhankiisa sheegay in ay chelsea diyaar u tahay in ay aqbasho lacag dhan 50 milyan oo euro waliba diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe.

“Hadii ay Napoli u baahantahay saxiixa Jorginho, heshiiskiisa 2 sano ayaa ka hadhay waxana ay chelsea diyaar u tahay in ay qabasho lacag 50 milyan ah”ayuu yidhi.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*