Chelsea Oo Ka Jawaabtay Dalab Isku Badalasho Ah Oo Juventus Ugu Soo Bandhigtay Aaron Ramsey.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay Juventus u soo bandhigtay xiddigii hore ee Arsenal Aaron Ramsey kaasoo qeyb ka ah heshiiska isku bedelka ee Jorginho.

Tababaraha Juventus ee Maurizio Sarri ayaa doonaya markii 3-aad in uu dib ula midoobo xiddiga Jorginho kadib markii uu horay ugala soo shaqeeyay xiddiga kooxaha Napoli iyo Chelsea.

Wargayska Tutto Mercato ayaa sheegaya in ay Juventus doonayso saxiixa xiddiga reer Italy ee 28 jirka ah waliba Chelsea-na diyaar u tahay in ay ka iibiso.

Juventus ayaa la sheegayaa in ay Aaron Ramsey miiska u saartay si ay u helaan Jorginho laakiin Blues ayaa diiday dalabkaas iyaga oo kaliya doonaya lacag kaash ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*